Maamulka Jamacada EELO Oo Tacsi Tiiraanyo le Udiray Qayskii iyo Qaraabadii Uu ka Baxay AHUN Marxuum Xaaji Daahir Aw Cilmi Oo Lagu Aasay Mag. Boorama.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TACSIDA |

indexMaamulka Jaamacadda Eelo iyo Macalimiintuba waxa ay tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada Somaliland, Awdal, iyo gaar ahaanna qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ANUN Marxuum Xaaji Daahir Aw cilmi Ducaale oo ahaa tiir iyo baroosin adag oo Somaliland ku faani jirtay kaas maanta oo ay taariikhdu tahay 30/08/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama isla markaaasina lagu aasay magaalada Boorama

Marxuum Xaaji Daahir Aw Cilmi Ducaale waxa uu ahaa indheer garad iyo oday taariikh facwayn, iyo door mug leh ku ahaa dalka iyo bulshada Somaliland, waxa uu kaalin wayn ka qaatay dhisidii dalka, nabadayntii waxbarashada, ciyaaraha, iyo shirarkii dhidibada loogu taagay qaranka.

Hadaba waxay Jaamacada EELO ay tacsi tiiraanyo leh udiraysaa dhamaan bulshada reer somaliland iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga, ee uu ka baxay marxuum Xaaj Daahir aw Cilmi waxa aanan Alle uga baryaynaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.aamiin aamiin.