Tacsi: Guddoomiye Cirro oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Ganacsade Aadan Warsame Nuur‏.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TACSIDA |

indexAlle ha u naxariistee, waxaa maanta aas qaran xabaalaha Naasa-Hablood ee Hargeysa loogu sameeyey Ganacsade Aadan Warsame Nuur oo ahaa ganacsade ka caan ah aadna laga yaqaanay guud ahaan geyiga Soomaalidu ay degto kuna geeriyooday magaalada Hargeysa.

Waxaana aaska Marxuumka ka soo qeyb-galay guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), siyaasiyiin, xildhibaano, madax-dhaqameed, waxgarad, aqoonyahan, ganacsato iyo bulsho kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo qaar ka mid ah warbaahinta halkaas kula hadlay, ayaa ugu horeyn tacsi u diray dhammaanba bulshada Somaliland, gaar ahaana ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardawsa sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo dhammaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay.

Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu Marxuumka ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi ku caan ah taakulaynta dadka danyarta ah sida oo kalena ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan isla mar ahaantaana ay ka nabad hesho ummada Islaamka ahi.
Siyaasiyiin, xildhibaano, Ganacsato, waxgarad iyo madax-dhaqameed iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba tacsi u diray ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana ay Illaahay uga baryeen in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardawsana ka waraabiyo sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo dhammaanba shacabka Somaliland ee uu ka baxay.

dhanka kale gudoomiye Cirro, ayaa waxaa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ganacsatada, waxgaradka, madax-dhaqameedka, aqoonyahanka iyo dhammaanba bulshada Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alleh ha u naxariistee Ganacsade Aadan Warsame Nuur oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan oo u samafala dadka jilicdasan iyo kuwa danyarta ahba, sida oo kalena ka mid ahaa ganacsatada ugu waaweyn ee dalka oo uu caan ka ahaa guud ahaan geyiga ay Soomalidu degto.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu ugu dambayntii Alleh uu uga baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo, kana waraabiyo jannatul Fardawsa sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii, ganacsatadii, waxgaradkii, aqoonyahankii iyo dhammaanba bulshada Somaliland ee uu ka baxay.Amiin Amiin.

Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi raajicuun
Waaxda warfaafinta xisbiga Waddani