War-Deg-dega:Daawo Shirkii Beelaha Habarcafaan Maalmihii U Danbeeyay Uga Socday Boorama Oo Maanta La Soo Afmeeray Iyo War-Murtiyeed Laga Soo Saaray.

Filed under: HOME,MUUQAALADA |

shirweyne-beelaha-habarcafaan-24Boorama-(BON)-Waxaa maanta la soo afmeeray shirweyne Laba cisho Hotel SAW Boorama uga socday beelweynta Habarcafaan, Hogaankeeda Dhaqanka,Aqoonyahanka, Dhalinyarada Iyo Haweenka beesha, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed dhawr qodob ah.

Munaasabadan xidhitaanka ah oo ay bulshada kala duwan ee beeshu ka soo qayb gashay ayaa waxaa hadalo ka guubaabo iyo wax sheeg u badan ka soo jeediyay qaar ka mid ah cushaa, waxgaradka iyo salaadiinta dhaqanka waxa ayna dhamaantood ka wada dhawaajiyeen ujeedada uu xanbaarsanyahay shirkan.

Dhanka kale waxaa halkaas ka hadlay Rashiid Saleebaan oo warbaahinta u akhriyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkan beesha Habarcafaan u socday mudada labada cisho ah, waxaana ka mid ahaa.

1.Midnimada iyo wada jirka Beesha waa mid lama taabtaana.

2.Isku xidhka degaanada beeshu ay degen tahay.

3.Siyaasada iyo beeshu halka ay sal dhiganayso oo loo saaray 25xubnood oo dhaqan , siyaasiyiin, aqoonyahano leh.

Gabogabadii Munaasabadan ayaa waxaa soo afmeeray Hogaanka Dhaqanka Beelaha Habarcafaan Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal iyo qaar ka mid ah salaadiinta beesha waxa ayna sheegeen in sida ugu dhaqsaha badan ay beeshu go’aan u soo saari doonto halka ay sal dhigan doonto siyaasad ahaan.

Dhanka kale waxa ay hoosta ka xariiqeen in shirkii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI Uu ahaa mid la afduubay oo xaaraan ahaa.

Xafiiska Wararka BooramaOnline

C/laahi Daahir Wacays

Boorama-SSomaliland

shirweyne-beelaha-habarcafaan-1 shirweyne-beelaha-habarcafaan-2 shirweyne-beelaha-habarcafaan-3 shirweyne-beelaha-habarcafaan-4 shirweyne-beelaha-habarcafaan-5 shirweyne-beelaha-habarcafaan-6 shirweyne-beelaha-habarcafaan-7 shirweyne-beelaha-habarcafaan-8 shirweyne-beelaha-habarcafaan-9 shirweyne-beelaha-habarcafaan-10 shirweyne-beelaha-habarcafaan-11 shirweyne-beelaha-habarcafaan-12 shirweyne-beelaha-habarcafaan-13 shirweyne-beelaha-habarcafaan-14 shirweyne-beelaha-habarcafaan-15 shirweyne-beelaha-habarcafaan-16 shirweyne-beelaha-habarcafaan-17 shirweyne-beelaha-habarcafaan-18 shirweyne-beelaha-habarcafaan-19 shirweyne-beelaha-habarcafaan-20 shirweyne-beelaha-habarcafaan-21 shirweyne-beelaha-habarcafaan-22 shirweyne-beelaha-habarcafaan-23 shirweyne-beelaha-habarcafaan-24 shirweyne-beelaha-habarcafaan-25 shirweyne-beelaha-habarcafaan-26 shirweyne-beelaha-habarcafaan-27 shirweyne-beelaha-habarcafaan-28 shirweyne-beelaha-habarcafaan-29 shirweyne-beelaha-habarcafaan-30 shirweyne-beelaha-habarcafaan-31 shirweyne-beelaha-habarcafaan-32