Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhanbaal Hanbalyo U Diraya Madaxweynaha Cusub Ee Doorashada Maraykanka Ku Guulaystay Mr, Donal Trump.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TAHNIYADAHA |

indexAnigoo ku hadlaya magacayga iyo ka dalkayga iyo dadkayga waxan kugu hambalyeynayaa guusha aad ka gaadhay Doorashadii ay shacabka Maraykanku kuugu doorteen inaad noqoto Madaxweynahoodii 45-aad.

Mudane Madaxweyne, haatan oo Doorashadii lagu kala calaf qaaday, waxa lagama maarmaan ah inaad ummadaada midayso oo aad u damaanad qaado horumar iyo barwaaqo, mid kuu codeeyey iyo mid kaa codeeyeyba.

Dalka Maraykanka oo ah dal ay Dunidu kaga dayato waxyaabo badan gaar ahaan xagga xorriyada, dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadamaha, Dadkayga iyo dalkayga Somaliland waxay ku kalsoon yihiin in Xukuumadaadu ay sii wadi doonto gudashada xilka iyo waajibaadka Maraykanka kaga beegan Bulshada Caalamka.

Axmed Maxamed Silanyo,
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

President-Elect of the United States of America,
Dear Mr President-Elect,

As the President of Somaliland Republic, I extend my sincere congratulations on your election as the 45th President of the United States of America.

Today, it is more important than ever before to strengthen and ensure peace and prosperity for all American citizens and for people around the world.

Mr President-Elect, my country and people trust that America, whose values of freedom, democracy and human rights have always been a beacon of hope around the world, will fulfill it’s global obligations and will continue to make a difference when dealing with huge challenges ahead.

Yours sincerely,

Ahmed Mohamed Silanyo,
President of Republic of Somaliland,