Ciyaaryahan Ronaldo ayaa ku guulaystay abaalmarinta laacibka Dunida Ballon d’or

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

_92942876_czf5kbxwiaeisyzWeeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay markii afaraad abaalmarinta qaaliga ah ee laacibka aduunka Ballon d’Or award

Ronaldo ayaa ku caawiyey Real Madrid inay ku guulaysato koobka horyaaladda Yurub Champions League xilli ciyaareedkii hore isagoo sidoo kale dhaliyey sadex gool oo xulka qarankiisa Portugal ay ku guulaystay koobkii cayaaraha Euro 2016.

Guushan waxay ugu darsamaysaa sadex xilli oo hore oo kala ah 2008, 2013 iyo 2014 oo uu qaatay abaalmarinta.

Ronaldo hadda wuxuu hal mar ka dambeeya xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi, oo helay darajadan shan xilli oo kala ah 2009, 2010, 2011, 2012 & 2015.

_92942876_czf5kbxwiaeisyz