Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Oo Tacsi U Diray Qoyska Uu ka Baxay AHUN Cabdikariin Maxamed Rabiile Good Oo Lagu Aasay Magaalada Boorama

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TACSIDA |

eMadaxwayne Ku Xigeenka JSL Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta isaga oo ku sugan Boorama tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan reer Qyska Rabiile Good gaar ahaan reer Maxamed Rabiile Good isaga oo markaasi uga tacsiyeeyay geeridii ku timid AHUN Cabdikariin Maxamed Rabiile oo maalintii shalay lagu aasay magaalada Boorama.

Madaxwayne Ku Xigeenka oo subaxnimadii saaka Booqday guriga Marxuunka ayaa waxa uu Eeebe uga baryay Marxuunka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.