Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Jiif Caaqil Muxumed Cumar Xayd Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TACSIDA |

captureGuddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murshaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Jiif Caaqil Muxumed Cumar Xayd oo maanta 14/12/2016kii ku geeriyooday lagu na aasay magaalada Hargeysa.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku siffeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, sida oo kale lagu xasuusan doono kaalintii nabdooneyd ee uu kaga jiray Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu ku tilmaamay in uu ahaa ashkhaastii tirada yarayd ee u guntaday in ay demiyaan dirirtii dagaaladdii sokeeye ee Sagaashamaadkii ka dhacay Somaliland, sida oo kale na hormuud iyo odey nabaddeed ba mar walba ka ahaa nabadda ay Somaliland ku naalooneyso.
Ugu dambeyntii, guddoomiye Cirro, waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu Eebe ka waraabiyo sida oo kale na uu Ehelkii, Qaraabaddii iyo Asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN
Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa, Somaliland