Daawo Beelaha Habarcafaan Oo Maanta Cududoodii Taageero Ku Biiriyay Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka S/Land Ee Kulmiye.

Filed under: HOME,MUUQAALADA,WARARKA |

habarcafaan-iyo-kulmiye-7Boorama-(BON)–Beel-weynta Habar-carfaan oo kamid ah beelaha dega gobolka Awdal, ayaa shaaca ka qaadday inay si rasmi ah ugu biireen xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxaanay go’aankooda kaga dhawaaqeen madal ilyartu is qabatay oo lagu qabtay Hutel SAW ee magaalada Boorama maanta.

Munaasibadda ay Beelahani ku shaacinayeen inay ku biirtay xisbiga KULMIYE, ayaa waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaaciil(saylici), ahna murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE, guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada wasaaradaha, madaxtooyada, caafimaadka, shaqada iyo arrimaha Bulshada, waxbarashada, warfaafinta,Boosaha iyo is-gaadhsiinta, wasiir-ku-xigeenno, agaasimeyaal guud, xildhibaanno, cuqaal, boqorro, salaadiin iyo weliba marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo ku saabsanaa soo dhaweynta beelahaas go’aansaday inay codkooda iyo cududoodaba iskugu geeyaan xisbul-xaakimka KULMIYE.

Suldaanka guud ee beelaha Habar-carfaan Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa si qoto dheer uga warramay asbaabta kalliftay inay beeshu si midaysan u go’aansato inay ku biirto xisbiga KULMIYE, waxana hadalladiisii kamid ahaa,”Guddi beesha ahi shir dheer oo dhawr toddobaad socday kadib waxa ay kusoo gunaanadday inay siyaasadda Somaliland ee guurguuraysa inay meel ka fadhiistaan, waxana ay go’aansadeen inay si cad oo badheedh ah oo biyo-kama dhibcaan ah KULMIYE u dhex degaan, waxana ay soo qorteen qoddobo badan ay sideeda u qaateen guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici, mid kastaana waxa uu qabsoomayaa maalinteeda, siyaa awgeed siyaasaddii anoo suldaan ah aan kusoo dhex jirey maanta meel baan dhigayaa, haddii urur la furo iyo haddii wax kale yimaaddaanba maskaxda iyo muruqa reerka waxan ku ogahay KULMIYE.”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suld. Ibraahim Cabdi Riiraash, Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, Suld. Cabdiraxmaan Axmed, Imaam Xaaji Axmed Miisaan Aare, Cuqaal iyo weliba madax-dhaqameed tiro badan oo halkaas ka hadashay, ayaa isku raacay inay beel-weynta Habar-carfaan isku raaceen inay wax la qaybsadaan xisbul-xaakimka KULMIYE, isla markaana si hufan ula shaqayn doonaan.

Maayarka Degmada Borama Md, Maxamed Xuseen Maydhane iyo welib guddoomiyaha gobolkaas Md. Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tallaabada ay beelweynta Habar-carfaan ku go’aansatay inay ku qanacdo waxqabadka iyo dedaalka xisbiga KULMIYE, iyaga oo intaas raaciyey inay beeshu go’aankaas qaadatay xilli si weyn loogu baahnaa.

Wasiirrada wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Axmed Obsiiye, Boosaha iyo is-gaadhsiinta Md. Maxamuud Sheekh Cabdilaahi, Caafimaadka, Md, Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, Warfaafinta, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Md. Maxamed Mixille Boqorre iyo weliba wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay inuu go’aanka beeshu xoojin doono cududda iyo awoodda xisbiga KULMIYE, waxana ay hambalyeeyeen sida hufan ee beeshu u fahamtay halka masiirkeedu ku jiro iyo cidda horumarka dalka lexejecladu ka hayso.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Md Cabdilaahi Ibraahim Habbane, oo kasoo jeeda beesha Habar-carfaan oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xariiqay inay beeshu si midaysan iskugu raacday taageerada xisbul-xaakimka KULMIYE, Isla markaana ka dheeraadeen khilaaf iyo tafaraaruq dhexdooda ah, waxana uu yidhi,”Beeshu KULMIYE horeba way ugu jirtaye imika way yara ruqaansatay, in la ruqaansadaana arrin aanu ku wada soconay buu ahaa si aanu midnimadayada u ilaalino,waayo midnimo, ayaa wax lagu tari karaa haddii aanu marka horeba is qabanona midnimo halkan kuma aanu nimaadneen, waana arrin aanu ka baaraan degnay oo intayada siyaasadda ku jirtaa aanu halkeedii dhignay, sidaa darteed maanta waxanu si mug leh oo yar iyo weynba leh aanu masiirkayaga iyo mustaqbalkayaga ku biirsanaynaa annaga oo isku dhan xisbiga KULMIYE oo ay ahdaaftiisa siyaasiga ahi dalka iyo dadkaba wada deeqday.”

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa beel-weynta Habar-carfaan ugu bushaareeyey inay masiirkooda dhigeen xisbi hayin ah oo la tijaabiyey, isla-markaana ay ka warwar la’aadaan diiqaddii iyo cidhiidhigii ay hore ugala kulmeen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu yidhi,”Haddii xamaantiinii aad saarteen Awr layli ah oo aan jaro-barad ahayn oo buubaal ah oo uu idinla biqleeyey, maanta waxad soo saarteen Awr hayin ah oo gur-gurshaa ahe taas ku biyo cabba, KULMIIYE-na waa xisbi yaqaanna gaadiid-celiska oo taasna ku qadi maysid, laba reerna xeer uma laha, waana xisbi hormoodka iyo qoorweyntiisu ay runta yaqaaniin, rabina yaqaaniin, berrina gaadiid-celiska waxa heli doona ragga halkan fadhiya.”

Wasiirku waxa uu si weyn u ammaanay xisbul-xaakimka KULMIYE iyo weliba guddoomiyihiisa wakhtigan Md, Muuse Biixi Cabdi, waxana uu shaaciyey inuu murrashaxa KULMIYE yahay siyaasi ruug-caddaa ah oo lasoo tijabiyey, isla markaana bulshada ka saari kara xaaladda wakhtigan,”KULMIYE waa xisbiga dhidbay nabadda mushkiladdii Ceel-berdaale ee degaannadaas dhexyaallay, guddoomiye Muuse Biixi-na waa hoggaamiye Somaliland maanta u baahan tahay oo berrito nabaddaas is-fahankeeda wax badan ka tari doono, Muuse hore ayaa loosoo tijaabiyey oo ma aha nin dadka reer Awdal lagu odhanayo waa nin caynkaas ahe waxa uu ahaa wasiirkii Daakhiliga ee 1993-kii oo wakhti xaasaasi ah oo adag ahaa, mashaakilaadkii Xeebta ka dhaca ee la isku maan-dhaafayna Muuse waa wasiirkii Daakhiliga ee xalliyey, isaga oo wasiir ah mushkiladdii uu xalliyey isaga oo madaxweyne ah oo mindida daabkeeda hayana waxaynu ka markhaati kacaynaa inuu xallin karo, waxana aynu leenahay Somaliland waxa ay maanta u baahan tahay hoggaamiye adag oo run yaqaan”ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE M.d Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si weyn ugu mahadnaqay beelweynta Habar-carfaan go’aanka ay ku taageereen xisbiga KULMIYE, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey suldaanka guud ee beeshaas oo uu u caddeeyey in abaalka uu KULMIYE gashaday uu wakhtigeeda heli doono oo aan la ilaawi doonin.

Dhinaca kalena Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin adag u diray dawladda taagta daran ee magaalada Xamar ka dhisan, waxana uu uga digay faro-gelin ay ku hayso madax-bannaanida Somaliland, isaga oo shaaca ka qaaday inaanay Somaliland faraha laaban doonin haddii aanay xukuumaddaasi joojin daan-daansiga ay waddo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,”Beryahan magaalada Muqdisho waxa ka socota doorasho, waxana la yidhi Baarlamaan iyo aqallaa laga dooranayaa Soomaaliya, had iyo goorna waxa aynu maqalnaa iyada oo la leeyahay gobollada Waqooyiga oo xataa Somaliland aan la odhanayn, dadka la magacaabayaana waa dad Somaliland u dhashay, waxanuse walaaladay iyo caalamka iyo geeskaba u sheegaynaa gardarrada qaawan ee nimanka Muqdisho joogaa ay Somalilnad kula kacayaan ee ay in Borama ku dhashay leeyihiin annagaa magacownay ee nin Ceerigaabo ku dhashay leeyihiin annagaa magacownay waar nalooma taliyo, horena kuwii idinka horreeyey baanu ka diidnay inay noo taliyaan, annaguna qaran walaaladiin ah oo 1960-kii idiin yimi baanu ahayn, maantana innaga oo heshiino mooyaane isma faro-gelin karno, haddiise aad dayn weydaan gurigaas aad soo faro-gelinaysaan, dawladaha jaarka iyo caalamkaba waxanu u sheegaynaa inaynaan sidaas nabad ku ahaan doonin oo la is faro-gelin doono.”

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo madashaas soo af-meeray, ayaa si aad ah u bogaadiyey go’aanka ay beelaha Habar-carfaan ugu biireen xisbiga KULMIYE, waxana uu xusay inuu go’aankaasi farxad iyo yididiilo gelinayo xisbiga KULMIYE oo halgan ugu jira inuu mar labaad haaneedo talada dalka ee uu haatan gacanta ku haya.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay in is-kaashiga beelaha ay ka dhalanayso qaran qiimo leh oo barwaaqo iyo horumar horseedi kara, isaga oo xusay in taageerada loo hayo xisbiga KULMIYE kor usii kacayso maalinba maalinta ka dambayso,”waxa aynu dhisaynaa ee isu kaashanaynaa waa qaran qurux badan, cidkasta oo iskaashi samaynaysana macnaheedu ma aha in cid gaar ah lagu xumaynayo, shalayna haddii uu xisbiga KULMIYE isaga oo mucaarid ah uu kursiga ku yimi 50%, maantana markii waxqabadkiisa la ogaaday waxa hubaal in dadka 70% in ka badani ay xisbiga KULMIYE noqonayaan”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Xafiiska Wararka Booramaonline

C/rashiid C/laahi Cumar

Boorama-Somaliland

 

 

habarcafaan-iyo-kulmiye-1 habarcafaan-iyo-kulmiye-2 habarcafaan-iyo-kulmiye-3 habarcafaan-iyo-kulmiye-4 habarcafaan-iyo-kulmiye-5 habarcafaan-iyo-kulmiye-6 habarcafaan-iyo-kulmiye-7 habarcafaan-iyo-kulmiye-8 habarcafaan-iyo-kulmiye-9 habarcafaan-iyo-kulmiye-10 habarcafaan-iyo-kulmiye-11 habarcafaan-iyo-kulmiye-12 habarcafaan-iyo-kulmiye-13 habarcafaan-iyo-kulmiye-14 habarcafaan-iyo-kulmiye-15 habarcafaan-iyo-kulmiye-16 habarcafaan-iyo-kulmiye-17 habarcafaan-iyo-kulmiye-18 habarcafaan-iyo-kulmiye-19 habarcafaan-iyo-kulmiye-20 habarcafaan-iyo-kulmiye-21 habarcafaan-iyo-kulmiye-22 habarcafaan-iyo-kulmiye-23 habarcafaan-iyo-kulmiye-24 habarcafaan-iyo-kulmiye-25 habarcafaan-iyo-kulmiye-26 habarcafaan-iyo-kulmiye-27 habarcafaan-iyo-kulmiye-28 habarcafaan-iyo-kulmiye-29 habarcafaan-iyo-kulmiye-30 habarcafaan-iyo-kulmiye-31 habarcafaan-iyo-kulmiye-32 habarcafaan-iyo-kulmiye-33 habarcafaan-iyo-kulmiye-34 habarcafaan-iyo-kulmiye-35 habarcafaan-iyo-kulmiye-36 habarcafaan-iyo-kulmiye-37 habarcafaan-iyo-kulmiye-38 habarcafaan-iyo-kulmiye-39