Daawo Sawirrada Natiijada Ciyaarihii Xiisaha Iyo Xamaasada Lahaa Ee Xalay Dhex Maray Kooxaha Chelsea Vs Sunderland + Liverpool Vs Middlesbrough.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

1481746966262_lc_galleryimage_liverpool_s_english_midfiChelsea ayaa guul cidhiidhi ah ka soo gaadhay kooxda kaalinta ugu hoosaysa Premier leaque-ga kaga jirta ee Sunderland waxaana guushani muhiimka ah Blues ka soo caawiyay Fabregas iyada oo kooxda Antonio Conte hogaanka horyaalka Premier leaque-ga ku qabtay 6 dhibcood oo saafi ah.

Chelsea ayaa ku sigatay in ay waydo sadeexda dhibcood iyada oo Sunderland dhamaadkii kulankan cabsi wayn ku abuurtay Antonio Conte iyo kooxdiisa balse waxay awoodeen in ay saddexda dhibcood kala soo baxaan Stadium Of Light. Chelsea ayaa hal kulan oo guul daro la’aan ah u jirta rekoodhkii ay h–e u dhigtay ee ahaa in ay soo gaadhay 11 kulan oo xidhiidh ah ayna wax guuldaro ah arin balse wali rekoodhkii Arsenal ee 14ka kulan ee guuldaro la’aanta ah ayaa ka yara fog.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Sunderland XI (3-4-3): Pickford; Kone, Djilobodji, O’Shea; Jones, Denayer, Kirchhoff, Van Aanholt; Borini, Defoe, Januzaj.

KAYDKA:Mannone, Love, Honeyman, Asoro, Larsson, Maja, Khazri.

Chelsea XI (3-4-3): Courtois; Azpilicueta, Cahill, Luiz; Moses, Kante, Fabregas, Alonso; Willian, Costa, Pedro.

KAYDKA:Begovic, Zouma, Ivanovic, Chalobah, Loftus-Cheek, Matic, Batshuayi.

Sunderland ayaa iska caabin fiican kala hortimid Chelsea waxayna kooxda David Moyes si wayn iskugu hayshaw in ay si adag iskaga difaacdo weerarka Chelsea isla markaana ay fursad gool dhalineed ku raadiso weerar deg deg ah marka ay kubbada dib u hesho. Chelsea ayaan markii h–e u muuqan mid ku bilaabtay dardartii laga filayay balse haddana waxay awooday in ay dhibaato ku abuurtay Sunderland.

DAQIIQADII 35 Diego Costa ayaa helay fursad cajiib ah oo uu ku dhalin gaadhay goolka furitaanka ee ay kooxdiisu sida wayn uga shaqaynaysay isla markaana ay fursadaha badan u raadinaysay laakiin goolhaye Pickford ayaa Costa ka badbaadiyay fursada uu doonayay in uu Black Cats ku kala dhantaalo.

DAQIIQADII 40 AAD GOOOOOOOOL! Chelsea oo uu cadaadisku ku sii kordhayay ayaa heshay goolkeeda ay niyada ku qaboojisatay isla markaana ay ku jabisay difaacii xidhnaa ee Sunderland waxaana gool qurux badan isla markaana si fiican looga soo shaqeeyay Blues u dhaliyay Francesc Fàbregas kaas oo kubbad caawin ka helay Willian Borges Da Silva, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Willian Borges Da Silva iyo Francesc Fàbregas oo kulankan ku soo wada bilawday ayaa go’aanka shax doorasho ku adkayn doona Antonio Conte kadib markii ay muujiyeen awooda ay u leeyihiin in ay kulamo joogto ah ka soo muuqan karaan shaxdiisa. Fabregas ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan ee kulamada Premier Leaque-ga.

DAQIIQDII 45+3 AAD Willian ayaa ugu dhawaaday in uu hogaanka u dheereeyo Chelsea kadib markii uu cidhifka xerada ganaaxa Sunderland ka tuuray kubbad laaga xorta ah oo Chelsea loo dhigay laakiin darbada loo qaatay goolka labaad ee Blues ayuu si cajiib ah iskaga badbaadiyay goolhaye Pickford, waxayna qaybtii h–e ku dhamaatay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markiiba Chelsea bilawday in ay raadiso goolkeeda labaad si ay natiijada ciyaarta iskugu hubsan karto waxaaana daqiiqadii 52 aad fursad fiican samaystay Willian balse darbo uu goolka Black Cats ku tuuray ayaa birta goolka ku dhacday.

Sunderland ayaa dhinaceeda ka bilawday in ay raadiso goolka barbaraha balse Chelsea ayaa fursado tiro badan u abuuraysay in ay la timaado goolkeeda labaad dhamaystirka Blues ee kulankan ayaa ahaa mid aan fiicnayn waxayna luminayeen fursado badan.

Sunderland ayaa dhamaadkii ciyaarta walwal badan ku abuurtay Antonio Conte iyo kooxdiisa waxayna Black Cats wadna xanuun ku duleen jamaahiirta Chelsea oo ka cabsi qabay in ay David Moyes iyo kooxdiisu ay sabab u noqon karaan in ay guulihii xidhiidhka ahaa joojin karaan isla markaana ay barbaraha keensan karaan.

DAQIIQADII 90+3 AAD COURTIOOOOOOOOOOS! Alla muxuu gool badbaadin ahaa! Sunderland ayaa u qaadatay in ay ugu danbayn heshay goolka barbaraha kadib markii Van Aanholt uu ugu dhawaaday in uu Chelsea qalbi jabiyo isla markaana uu ku ciqaabi gadhay fursadihii ay lumiyeen laakiin goolhaye Courtios ayaa Chelsea u guulaystay isla markaana saddexda dhibcood u xaqiijiyay kadib markii uu Sunderland ka beeniyay fursadii ugu halista badnayd.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Chelsea si cidhiidhi ah guul dahabi ah ugu soo gaadhay, waxayna ahayd guusheedii tobnaad oo xidhiidh ah iyada oo Blues lix dhibcood oo nadiib ah ku qabtay hogaanka Premier Leaque-ga.

 Liverpool ayaa guul wayn oo muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Middlesbrough oo ay marti u ahayd, waxayna Reds ka soo kabsatay guuldaradii Bournemouth iyo barbarihii ay West Ham United kagala kulantay Anfield. Liverpool ayaa guushan ku soo gaadhay 3:0 waxaana laba gool kulankan ka dhaliyay Adam Lallana kaas oo sidoo kale sameeyay hal gool caawin waxaana gool dhalintiisa joogtada ah sii wata Origi oo isna shabaqa soo taabtay.

Guushan ayaa Liverpool ka caawisay in ay dib ugu soo laabto kaalinta labaad ee horyaalka Premier Leaque-ga inkasta oo ay dhibco isku mid ah yeesheen kooxda Arsenal oo kulankii Everton guuldaro la soo kulantay. Goolhaye Mignolet ayaa muujiyay sida uu uga fiican yahay Loris Karius oo kulankan kaydka fadhiyay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Middlesbrough (4-3-3): Valdes, Barragan, Chambers, Gibson, Fabio, Forshaw, Clayton, De Roon, Traore, Negredo, Fischer.

KAYDKA:Espinosa, Leadbitter, Rhodes, Guzan, Downing, Nsue, Nugent.

Liverpool (4-3-3): Mignolet, Clyne, Lovren, Klavan, Milner, Wijnaldum, Henderson, Lallana, Mane, Origi, Firmino.

KAYDKA:Karius, Moreno, Leiva, Stewart, Ejaria, Woodburn, Arnold.

Ciyaarta ayaa ku bilaabtay qaab gaabis ah iyada oo Liverpool si samir ku jiro u raadinaysay fursad goolka furitaanka halka Boro ay weerar deg deg ah ku baadi goobaysay goolkeeda furitaanka balse waxay si adag u difaacanaysay goolkeeda. Liverpool ayaa muddo u muuqatay mid shakisan oo aan kalsooni badan qabin, balse si gaabis ah ayay ciyaarta fursad uga raadinayeen.

DAQIIQADII 29 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Liverpool ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta waxaana gool madax ah oo uu si qurux badan u dhamaystiray Liverpool hogaanka ugu dhiibay Adam Lallana kaas oo kubbad caawin ka helay Nathaniel Clyne oo karoos fiican ka soo qaaday dhinac midig, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Isku xidhankii ciyaartoydii h–e ee Southampton ayaa Liverpool u horseeday goolkan kadib markii saddexda ciyaartoy ee Sadio Mane, Nathaniel Clyne iyo Adam Lallana ay si qurux badan oo deg deg ah kubbada iskugu dhibteen, wuxuuna goolkan Liverpool siiyay kalsooni ay ciyaarta ku maamuli karto.

DAQIIQADII 39 AAD Middlesbourgh ayaa weerar halis ah ku soo qaaday goolka Liverpool iyada oo Forshaw uu darbo xoogan ku tuuray goolka Reds laakiin goolhayaha ismuujinayay ee Mignolet ayaa gacanta bidix oo kaliya iskaga saaray halista si uu kooxdiisa hogaanka ugu ilaaliyo.

DAQIIQADII 42 AAD BIRTA GOOLKA ILA LABA JEER!. Liverpool ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda labaad kadib markii uu Sadio Mane kubbad la soo baxsaday isla markaana uu iska farsameeyay difaaca horjoogay laakiin darbo uu si fiican ugu garaacay goolhayaha iyo difaaca baacsanayay ayaa birta goolka ka soo booday waxaana isla markiiba ku celiyay Origi balse isla goobtii ay birta markii h–e kaga dhacday ayaa mar labaad ku dhacday.

Liverpool ayaa awooday in ay hogaanka ilaashato isla markaana ay raadiso goolka labaad si ay kalsooni badan u hesho laakiin Middlesbrough ayaa diiday wax gool kale ah basle iyaduna waxay awoodi wayday in ay la timaado barbaraha taas oo keentay in qaybtii h–e ay kudhamaato 1:0 ay Liverpool hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markale Liverpool ahayd kooxda laga filan karayay goolka labaad iyada culays badan ku haysay difaaca iyo goolka Boro. Waxayna Middlesbrough samaysay laba badal oo isku waqti ah iyada oo ay ciyaarta soo galeen xidigii h–e ee Liverpool ee Stewart Downing iyo Grant Leadbitter waxaana baxay Viktor Fischer iyo Adam Clayton.

DAQIIQADII 60 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Liverpool ayaa la timid goolkeeda labaad waxaana goolkii h–e mid meel fadhiisiyay oo si layaableh isla markaana deg deg badan ay xidigo badani u soo ciyaareen shabaqa Middlesbrough ku hubsaday xidiga gool magafaha noqday ee Divock Okoth Origi kaas oo natiijada ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Reds hogaaka ciyaarta ku dheeraysatay. Lallana ayaa markan magiciisa ku qoray caawinta goolka Origi.

DAQIIQADII 68 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Liverpool ayaa dhulka sii jiiday Middlesbrough waxaana halkeeda ka sii socotay qaabka wada shaqaynta quruxda badnayd ee kulankan Liverpool soo bandhigtay waxaana goolka saddexaad Boro ugu qubeeyay Adam Lallana kaas oo goolkiisa laabad ku dhaliyay kubbad caawin uu sameeyay Divoc Origi waxayna ciyaartu noqotay 3:0 bilaa jawaab ay Reds hogaanka ugu raaxaysanayso.

Origi ayaa gool dhaliyay sidoo kalena gool caawin sameeyay halka Lallana uu laba gool dhaliyay isla markaana uu Origi ka caawiyay goolkiisa, waxayna difaaca Boro noqdeen kuwo ku jaho wareeray kubbad dhiibista deg dega badan ee ay Liverpool soo bandhigtay.

Dhamaadkii ciyaarta Klopp ayaa walwal xoogan la kulmay kadib markii uu dhaawac soo gadhay xidiga kooxdiisa muhiimka ka noqday ee Origi wuxuuna ku soo badalay da’yarka Trent Arnold waxayna ahayd dhibaato uu Klopp kulankan ku dhamaystay inkasta oo uu guul muhiim ah helay, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3:0 ay Reds ku soo dubatay Boro isla markaana ay kaalinta labaad ee PL ugu soo laabtay.

1481746966262_lc_galleryimage_liverpool_s_english_midfi 1481746973550_lc_galleryimage_adam_lallana_of_liverpool 1481750376333_lc_galleryimage_britain_football_soccer_m czqdf6txaaamidf czqe8hnwqaiiadn czqeg7lweamfbor czqizs0xcay97r1 czqoi8nwiai2hsu czqphcjxeaem9mx

1481745617105_lc_galleryimage_sunderland_s_english_defe 1481751954631_lc_galleryimage_thibaut_courtois_of_chels czqf6daxuaid84k czqfolzxgaus4yo czqj4kwxuaaqd0j czqtd-uweaedywm