Daawo Natiijada Ciyaartii Xiisaha Iyo Xamaasada Lahayd Ee Xalay Dhex Martay Kooxaha Liverpool Vs Everton.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

1482182064418_lc_galleryimage_everton_v_liverpool_premiLiverpool ayaa guul cidhiidh ah isla markaana dahabi ah waqtigii dhimasada ee dhamaadka ciyaarta ku soo gaadhay Goodinson Park waxaana waqtigii ciyaarta lagu daray Everton qalbi jabiyay Sadio Mane kaas oo Klopp iyo ciidamadiisa Reds ka soo caawiyay in ay xili danbe Everton ka soo qaataan saddexda dhibcood ee sida xoogan loogu dagaalamay.

Guushan ayaa Liverpool ka caawisay in ay kaalinta labaad dib ugu soo laabto iyada oo yeelatay 37 dhibcood waxayna 6 dhibcood ku soo yaraysay farqigii dhibcaha ee ay Chelsea u dhexeeyay ka hor intii ayna kulankan adag ciyaarin. Sadio Mane ayaa noqoday ciyaartoygii ugu horeeyay ee goolkii ugu soo daahay ka dhaliyay kulanka Merseyside derby.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Everton XI (4-2-3-1): Stekelenburg; Coleman, Funes Mori, Williams, Baines; Gueye, McCarthy; Lennon, Barkley, Valencia; Lukaku.

Kaydka:
Robles, Kenny, Barry, Calvert-Lewin, Holgate, Cleverley, Mirallas.

Liverpool XI (4-2-3-1): Mignolet; Clyne, Lovren, Klavan, Milner; Henderson, Wijnaldum; Lallana, Firmino, Mane; Origi.

Kaydka:Karius, Moreno, Lucas, Can, Sturridge, Alexander-Arnold, Woodburn.

Liverpool ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay kaalinta labaad ee Premier Leaque-ga ay kala baxdo Manchester City oo sii qabtay kadib markii ay Arsenal guul muhiim ah kaga gaadhay Etihad Stadium. Klopp oo markii ugu horaysay booqday Goodinson Park ayaa sidoo kale doonayay in ay soo yareeyaan farqiga ay u jireen hogaanka Premier Leaque-ga oo ay Chelsea hayso.

Laakiin qaybtii h–e ee kulankan ayaa ahaa mid lagu caajisay isla markaana ayna labada kooxood soo bandhigin qaab ciyaareedkii weerarka ahaa ee looga bartay, waxaana soo koobaya qaybtii h–e oo dhan, hal koorne, bartilmaameed aan la samayn iyo kubbad khadka dhexe loogu dagaalamayay. Inkasta oo inta ugu badan Everton ay 45 kii daqiiqo ee qaybtii h–e ay ahayd kooxda kubbada haystay ayay Liverpool haddana samaysay dhawr fursadoo oo goolal lagu dhalin karayay halka Everton ay sidoo kale abuurtay fursado aan halis badan galin Mignolet.

Halista ugu dhawayd ee qaybtii h–e la tilmaami karo ayay Lukaku iyo Origi kala haleen balse midkoodna bartilmaameedka muu helin. Liverpool ayaan qaab ciyaareed fiican ku bilaaban laakiin 15kii daqiiqo ee qaybtii h–e ugu danbeeyay ayay u muuqatay in ay garoonka isku dhex aragtay waxayna bilawday in ay kubbada la qaybsato kooxda martida loo ahaa ee Everton.

Liverpool ayay ilaa daqiiqadii 27 aad ku qaadatay in ay markii ugu horaysay kubbada ku taabato xerada ganaaxa Everton, waxaana halkan ka cad in kooxda Klopp ayna kulankan ku bilaaban sidii ay doonayeen. Difaaca labada kooxood ayaa taxadar badan samaynayay taas oo yaraysay in wax qaladaad goolal lagu dhalin karaa ay yimaadaan.

Waxa sidoo kale xamaasad la’aantii kulankan cadayn kale u ahayd in hal kaadh oo digniin ah aan la bixin iska dhaaf in kaadhka cas la bixiyo maadaama uu kulankani yahay kulanka kaadhadhka ugu badan ee casaanka ah la bixiyay taariikhda Premier Leaque, waxayna qaybtii h–e ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu tababaraha Everton ee Koeman uu shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna kooxdiisa ka reebay James McCarthy oo qaybtii h–e uu dhaawac soo gaadhay wuxuna kaydka uga yeedhay Gareth Barry. Liverpool ayaa soo laabtay iyada oo markan ku socota dardar xoogan waxayna markiiba halis ku bilawday Everton. Gareth Barry ayaa noqday ciyaartoyga laabad ee abid ugu safashada badan horyaalka Ingiriiska isaga oo saftay kulankiisii 610 aad wuxuuna dhaafay Lampard waxaana kahoreeya Ryan Giggs oo saftay 632 kulan.

1482178536377_lc_galleryimage_everton_v_liverpool_premi 1482182064418_lc_galleryimage_everton_v_liverpool_premi 1482184563103_lc_galleryimage_sadio_mane_of_liverpool_s 1482184580178_lc_galleryimage_britain_football_soccer_e

1482178536377_lc_galleryimage_everton_v_liverpool_premi 1482178904466_lc_galleryimage_britain_football_soccer_e 1482179793098_lc_galleryimage_liverpool_s_german_manage 1482180784016_lc_galleryimage_everton_v_liverpool_premi