Daawo Sawirrada Kooxda AC Milan Oo Ku Guulaystay Supercoppa Italiana.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

milan-280x175Kooxda AC Milan ayaa ku guulaystay koobka Supercoppa Italiana oo finalkii koobkan ay rekoodhayaal 4:3 ah ay ku garaacday kooxda Juveventus. AC Milan ayaa markeeda ka aarsatay Juventus oo bishii May waqtigii dheeriga ahaa ee finalkii Coppa Italia ku garaacday waxaana Juventus rekoodhayaashii ay tuureen lumiyay Mario Mandžukić iyo Paulo Bruno Dybala. Mario Pašalić ayaa AC Milan u dhaliyay rekoodhaha guusha ee Juventus qalbi jabiyay.

Kooxaha Juvnetus iyo AC Milan ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar iskaga hor yimid kulanka Supercoppa Italiana wuxuuna kulankani ku celi u ahaa finalkii Coppa Italia oo ay sidan oo kale labadan kooxood iskaga hor yimaadeen. Milan oo xili ciyaareedkan horumar fiican samaysay ayaa doonaysay in ay Old Lady koobkan ku garaacday halka Juventus ay doonaysay in ay sii wadato dhaqankii koob ku guulaysiga ee ay caadada ka dhigatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

JUVENTUS: (4-3-1-2): Buffon; Lichtsteiner, Rugani, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Marchisio, Sturaro; Pjanic; Mandzukic, Higuain.

KAYDKA: Neto, Audero, Barzagli, Benatia, Evra, Coccolo, Hernanes, Lemina, Asamoah, Cuadrado, Pjaca, Dybala.

AC MILAN:(4-3-3): Donnarumma; Abate, Paletta, Romagnoli, De Sciglio; Kucka, Locatelli, Bertolacci; Suso, Bacca, Bonaventura.

KAYDKA:Gabriel, Antonelli, Gomez, Zapata, Honda, Mati Fernandez, Pasalic, Poli, Sosa, Lapadula, Luiz Adriano, Niang.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayay ka go’nayd in ay koobkan ku guulaystaan taas oo keentay in waqtigii rasmiga ahaa ee 90 ka daqiiqo in ay ku kala bixi waayeen isla markaana ay qasab noqotay in waqti dheeri ah si ay labada kooxood u kala bixi karaan. Waxa uu ahaa kulan si wayn loogu dagaalamay isla markaana uu koox kastaba koobku u muuqday.

DAQIIQADII 18 AAD GOOOOOOOL! Juvnetus ayaa xili horeba gool kaga naxsatay AC Milan kadib markii uu Giorgio Chiellini uu gool madax ah ku dhaliyay kubbad qurux badan oo uu Miralem Pjanić ka soo tuuray koorne waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Juventus hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 38 AAD GOOOOOOOOL! AC Milan ayaa bixisay jawaabtii ugu fiicnayd intii ayna dhamaan qaybtii h–e ee kulankani waxaana goolka ay ciyaarta dib ugu soo laabteen u saxiixay Giacomo Bonaventura kadib marii uu Suso soo qabtay shaqo cajiib ah isla markaana uu muujiyay tayada uu u leeyahay kulamada waa wayn, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Laakiin labada gool ayaan noqon kuwo kala saaray labada kooxood ee Juventus iyo AC Milan taas oo keentay in 45kii daqiiqo ee qaybtii danbe in ay wax goolal ah kala dhalin waayaan inkasta oo la abuuray fursado tiro badan oo goolal lagu dhalin karayay.

Ugu Danbayn wax kasta oo ay labada kooxood garoonka ka sameeyeen ayay awoodi waayeen in ay dhaliyaan goolka ay koobka ku qaadi kareen taas oo keentay in ismari waagu uu sii socdo waxaana la soo gaadhay waqtigii rekoodhayaal lagu kala saari lahaa Juventus ee AC Milan oo dadaalo waa wayn u sameeyeen si ay ugu sii dagaalamayaan koobkan.

NATIIJADII REKOODHAYAASHA:

Finallka Supercoppa Italiana ee dhex marayay kooxaha Juventus iyo AC Milan ayay qasab noqotay in lagu kala baxo rekoodhayaal waxaana la soo gaadhay waqtigii ay labada kooxood si dhab ugu baahdeen adeega khabiirka Buffon iyoda’yarka loo arko badalkiisa ee Donnarumma.

Claudio Marchisio ayaa Juventus u bilaabay wuxuna udhaliyay rekoodhihiisa laakiin Gianluca Lapadula oo AC Milan rekoodhihii ugu horeeyay u tuuray ayuu Buffon ka badbaadiyay basle wax kastaaba waxay isbadaleenkadib markii Mario Mandžukić iyo Paulo Bruno Dybala ay lumiyeen rekoodhayaashii ay tuureen isla makaana ay AC Milan wada dhalisay afartii rekoodhe ee u hadhsanaa waxaana rekoodhaha ay Milan koobkan ugu guulaysatay dhaliyay Mario Pašalić waxayna Milan koobka Supercoppa Italiana ugu guulaystay 4:3 iyada oo labada kooxoodba ay oohinta xejisan kari waayeen laakiin oohinta Milan ayaa ahayd mid farxadeed kadib markii ay sanado badan ka maqnayd koobabka Italy.

Milan triumphed over their Serie A rivals Juventus after winning a penalty shootout, largely thanks to Gianluigi Donnarumma

Goolhaye Donnarumma oo 17 sano jir ah ayaa noqday geesa soo nooleeyay xusuustii koob ku guulaysi ee AC Milan isaga oo kulankan ka sameeyay 8 gool badbaadineed intii ay ciyaartu socotay waana gool badbaadintiisii ugu badnayd ee uu kulan ka sameeyay wuxuuna sidoo kale noqday halyayga Milan rekoodhayaasha ugu guulaystay.

Source-Laacib

3b9a1c6300000578-4062528-image-a-73_1482516542135 3b9a59b200000578-4062528-image-a-125_1482521462459 34 1482513668267_lc_galleryimage_ac_milan_s_carlos_bacca_c 1482513896956_lc_galleryimage_ac_milan_s_gabriel_palett 1482514226474_lc_galleryimage_ac_milan_s_giacomo_bonave 1482514234130_lc_galleryimage_ac_milan_s_carlos_bacca_a 1482514245577_lc_galleryimage_ac_milan_s_giacomo_bonave 1482516651993_lc_galleryimage_ac_milan_s_carlos_bacca_m 1482518946724_lc_galleryimage_ac_milan_s_suso_right_fir c0ya9gywgaahi4q c0yfxv3xgaabx1e c0yhl1lxeaaybdm c0ymzr3xeaatuig c0ynvjhxeaax6e8