Tartankii Maamul Goboleedyada Ee Kubbada Koleyga Gabdhaha Oo Garoowe Lagu Soo Gabogabeeyay,+ SAWIRRO.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

koobMagaalada Garoowe ee xarunta Maamul Puntland ayaa waxaa caawa lagu soo gebagebeeyey tartankii kubada koleyga gabdhaha ee maamul goboleedyada dalka oo maalmahan halkaas ka socday.

Waxaa tartankan ka qeyb galay kooxaha Banaadir, Hirshabelle, Juballand, Puntland, Galmudug iyo kooxda Bilan, iyadoo maamulka koonfur galbeed aysan ka qeyb gelin tartankan.

Kooxaha Banaadir iyo Hirshabelle oo u soo baxay ciyaartii finalka aheyd ayaa galabta isku arkay garoonka kubada Koleyga magaalada Garoowe, dadweyne badan iyo masuuliyiin kala duwan ayaana u soo daawasho tegay.

Kooxdii ku ciyaareysay magaca gobolka Banaadir ayaa noqotay horyaalka tartanka kubada Koleyga gabdhaha ee ciyaaraha maamul goboleedyada dalka ka dib markii ay 66 dhibcood kaga guuleysatay kooxda Hirshabelle oo keensatay 46 dhibcood.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cumar C/llaahi Faraweyne ayaa koobka guddoonsiiyey ciyaartoyda Gobolka Banaadir ee ku guuleystay tartan, iyadoo koobka kaalinta labadna la gudoonsiiyey Hirshabelle.

Faraweyne ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin marti gelinta tartankan oo uu xusay inuu ka turjumayo xoojinta isdhexgalka bulshada, isagoo u hambalyeeyey kooxda gabdhaha gobolka Banaadir ee ku guuleysatay Tartankan.

Waxa kaloo goob joog ka ahaa ciyaarta galabta Mayorka magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir), masuuliyin ka tirsan guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirka kubada Kolleyga iyo dadweyne fara badan.

koob koob1 koob2 koob3 koob4 koob5 koob6 koob7 koob8 koob10 koob11