Natiijada Ciyaartii Xiisaha Iyo Xamaasada Lahayd Ee Xalay Dhex Martay Kooxaha Arsenal Vs Crystal Palace,+ SAWIRRO.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

1483292526633_lc_galleryimage_london_england_january_01Arsenal ayaa Emirates Stadium ku garaacday kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Crystal Palace si ay kaalinta Saddexaad ee miiska kala saraynta Premier Leaque-ga ay ugala baxdo Manchester City oo kulankii Anfield guuldaro kala soo laabtay Liverpool. Arsenal ayaa sanadkan cusub ee 2017 ku bilaabtay guul waxaana guushan ku hogaamiyay Olivier Giroud oo gool layaableh dhaliyay halka Alex Iwobi uu goolka labaad raacsaday.

Arsene Wenger ayaa shaxdiisii kulankii West Brom saddex isbadal ku sameeyay wuxuuna shaxdiisa ku soo bilaabay Nacho Monreal, Mohamed Elneny iyo Lucas Perez waxayna badaleen Kieron Gibbs, Francis Coquelin iyo Mesut Ozil, iyada oo Ozil uu kulankan xanuun ku seegay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Arsenal XI (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Gabriel, Koscielny, Monreal; Elneny, Xhaka; Iwobi, Sanchez, Perez; Giroud.

Kaydka: Ospina, Mustafi, Reine-Adelaide, Maitland-Niles, Coquelin, Ramsey, Oxlade-Chamberlain.

Crystal Palace XI (4-2-3-1): Hennessey; Kelly, Dann, Tomkins, Ward; Flamini, Puncheon; Townsend, Cabaye, Zaha; Benteke.

Kaydka:Speroni, Husin, Mutch, Lee, Phillips, Campbell, Sako.

Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay dardar xoogan waxayna markiiba ahayd kooxda laga filan karayay goolka furitaanka iyada oo si joogto ah u abuuraysay fursado ay ku raadinaysay goolkeeda ugu horeeyay. Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ka fikiraysay in ay kaalinta labaad kala baxda Manchester City oo kulankii Liverpool guuldaro la soo kulantay.

Iwobi, Giroud iyo Sanchez ayaa dhamaantood aad ugu dhawaaday in ay Arsenal u keenaan goolka furitaanka waxayna heleen fursado lagu dhalin karayay dhawr gool. Crystal Palace ayaa doonaysay in ay si fiican u difaacato isla markaana ay weeraro deg deg ah iyo kubbadaha dhaadheer ay ku raadiso goolkeeda.

DAQIIQADII 17 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! ALLA MUXUU GOOL AHAA!. Olivier Giroud ayaa dhaliyay mid ka mid ah goolashii premier Leaque-ga ugu quruxda badnaa kadib markii uu kubbad uu ka helay Alexis Sanchez uu qaab cajiib ah cidhib ugu dhalyay isaga oo dadka ilawsiiyay goolkii Mkhitaryan uu dhawaan u dhaliyay Man United, wuxuuna Olivier Giroud kooxdiisa ka caawiyay in ay 1:0 hogaanka ciyaarta ku qabtaan.

Saxaafada Ingiriiska ayaa isbarbar dhigtay goolka cajiibka ahaa ee Giroud uu kulankan ka dhaliyay iyo goolkii Mikhitaryan waxayna ciwaan uga dhigeen: ‘Wax kasta oo uu Mkhitaryan samayn karo waxaa si ka fiican u samayn kara Giroud!”.

Arsenal ayaa fursado badan oo aad u fiican heshay iyada oo Sanchez uu halis joogto ah ku ahaa kooxda martida ahayd ee Crystal Palace balse qaybtii h–e ee kulankan ayaa lagu kala nastay 1:0 ay Gunners hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana ay ku ahayd kooxda waxwalba garoonka ka samaysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal wali sii ahayd kooxda awooda sare ka lahayd Crystal Palace inkasta oo kooxda Big Sam ay doonaysay in ay raadiso goolka barbaraha isla markaana ay ciyaarta dib ugu soo laabto.

DAQIIQADII 47 AAD Arsenal ayaa halis wayn ka badbaaday halka Crystal Palace ay iska lumisay fursad ay ciyaarta ku barbarayn kartay kadib markii Andros Townsend uu kubbad fiican u soo karosa Christian Beneteke laakiin xidiga ree Belgium ayaa arkay darbadiisa uu madaxa ku tuuray ee goolka loo qaatay oo dhinaca sare martay.

DAQIIQADII 56 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Alex Iwobi ayaa Arsenal u dhaliyay goolka kalsoonida ee ay dhibaatada wayn ugu sii abuurtay Crystal Palace laakiin waxaa shaqo cajiib ah soo qabtay isla markaana nooc kasta oo dhibaato ah difaac Palace ku soo abuuray Monreal ka hor intii aanu Dann kubbada isku dayin in uu iska saaro balse Alex Iwobi ayaa awooday in uu kooxdiisa culayska ka dulqaado wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Gunners hogaanka ciyaarta ugu dheeraysatay.

Arsene Wenger ayaa xili danbe badal ku soo galiyay Alex Oxlade-Chamberlain , Aaron Ramsey iyo Francis Coquelin waxayna Gunners awooday in ay culayska ku sii hayso Crystal Palace oo awoodi wayday in ay dhibaato badan ku abuurto difaaca Gunners.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Arsenal ku garaacday isla markaana ay saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Crystal Palace waxayna Gunners sanadkan cusub ee 2017 ay ku furtay guul muhiim ah si ay kaalinta saddexaad ee Premier Leaque-ga ugala baxdo Manchester City.

1483287936022_lc_galleryimage_london_england_january_01 1483288808593_lc_galleryimage_arsenal_v_palace_01_01_17 1483290663445_lc_galleryimage_britain_football_soccer_a 1483291107877_lc_galleryimage_britain_football_soccer_a 1483291130839_lc_galleryimage_britain_football_soccer_a 1483292526633_lc_galleryimage_london_england_january_01 c1gxhqqxcaaerpf giroud-768x309