Daawo Sawirrada Natiijada Ciyaartii Dhex Martay Kooxaha Manchester United Vs West Ham United.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

1483378791576_lc_galleryimage_west_ham_v_manchester_uniManchester United ayaa guul ka soo gaadhay toban ciyaartoy oo West Ham United ah waxayna kooxda Jose Mourinho ee Red Devils soo gaadhay guusheedii lixaad oo xidhiidh ah si ay u sii baacsato kooxaha kaalmaha sare ku jira. Jaun Mata iyo Ibrahimovic ayaa Manchester United ka soo caawiyay guushan waxayna yeelatay 39 dhibcood iyada oo farqiga goolasha baaqi ugu sii ah kaalinta lixaad.

West Ham United ayaa kulankan inta ugu badan ku ciyaartay 10 ciyaartoy kadib markii kaadhka cas oo toos ah loo taagay Sofiane Feghouli isla daqiiqadii 15 aad ee bilawgii kulankan. Manchester United ayaa sidoo kale wax guuldaro ah soo arkin 13 kii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KUALNKAN:

West Ham starting XI (4-2-3-1): Randolph; Nordtveit, Reid, Ogbonna, Cresswell; Obiang, Kouyate; Feghouli, Lanzini, Payet; Antonio.

Kaydka:Adrian, Quina, Noble, Fernandes, Ayew, Carroll, Fletcher.

Manchester United (4-2-3-1): De Gea, Valencia, Jones, Rojo, Darmian; Carrick, Herrera; Mkhitaryan, Pogba, Lingard; Ibrahimovic.

Kaydka:Romero, Smalling, Fellaini, Young, Mata, Martial, Rashford.

DAQIIQADII 10 AAD West Ham United ayaa heshay fursadii ugu halista badnayd bilawgii ciyaarta waxaana Hammers goolka furitaanka u keeni gaadhay Lanzini balse David De Gea oo kulankiisii 250 aad ee Manchester Uited saftay ayaa sifiican halista iskaga badbaadiyay.

DAQIIQADII 15 AAD KAADHKA CAS OO TOOS AH!! West Ham United ayaa ciyaarta dhibaato ku bilaabtay kadib markii kaadhka cas oo toos ah laga siiyay xidiga kooxdeeda ee Sofiane Feghouli kadib markii ay isku dhaceen difaaca Manchester United ee Phil Jones laakiin inkasta oo markii h–e uu Feghouli u muuqday in uu dhib soo gaadhsiiyay Jones ayay haddana muuqaaladu muujiyeen in kaliya uu taabtay oo aanu dhib u gaysan balse garsoore Mike Dean ayaa kaadhka cas oo toos ah bixiyay. Jones ayaa sabab u sii noqday in Feghouli kaadhka cas loo taago.

Kaadhka cas ee xili horeba la siiyay Sofiane Feghouli ayaa faa’iido wayn u ahaa Manchester United oo doonaysay in ay sii wadato guulihii xidhiidhka ahaa waxayna Manchester United ahayd kooxda si buuxda kubbada ula wareegtay markii West Ham tobanka ciyaartoy lagu yareeyay.

DAQIIQDII 36 AAD Manchester United ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda furitaanka ee ay shaqada badan u soo qabtay kadib markii Ibrahimovic uu kubbada u soo karoosay Mkhitaryan isla markakana uu Antonio Valencia isna isku dhaafiyay laakiin Valencia oo banaan ku helay kubbada ayaa si toos ah u toogtay goolka Hammers basle waxaa kubbada iska joojiyay goolhaye Randolph balse Lingard ayaa ugu danbayn birta goolka garaacay waxaana sidaa ku lugtay fursad dhabi ahayd.

DAQIIQADII 38 AAD Ibrahimovic ayaa helay fursad kale oo uu u baahnaa kaliya in uu garaaco goolhayaha West Ham ee Randolph balse xidiga ree Sweden ayaa awoodi waayay in uu markale fursadan uga faa’iideeyo kooxdiisa Red Devils.

DAQIIQADII 40 AAD garsoore Mike Dean ayaa qalad kale oo wayn sameeyay iyada oo xidiga West Ham ee Nordtveit uu galay qalad ka wayn ama la mid ah kii uu casaanka ku siiyay Feghouli laakiin Mike Dean ayaan wax kadh ah bixin waxayna u muuqatay in uu kulankan ku jaho wareeray isaga oo Feghouli oo kaadhka digniinta ah qaadan lahaa kaadhka cas oo toos ah u taagay halka Nordtveit oo kaadhka digniinta ah qaadan lahaa aanu waxba ka odhan!!!.

DAQIIQADII 44 AAD West Ham United ayaa heshay fursad aad u fiican Manuel Lanzini iyada oo Manchester United u ogolaatay in uu banaan badan helo laakiin goolhaye David De Gea ayaa sameeyay badbaadin heer sare ah si uu Manuel Lanzini uga badbaadiyo fursad uu gool ku dhalin lahaa.

Si kastaba ha ahatee qaybtii h–e ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah iyada oo toban ciyaartoy oo West Ham United ahi ay awoodeen in ay aamusiiyaan weerarka Man United. Laakiin jamaahiirta West Ham ayaa si wayn ugu oriyay garsoore Mike Dean oo qalad ku lahaa in uu Feghouli kaadhka cas oo toos ah u taagay markii ay ciyaartu socotay 15 daqiiqo oo kaliya. Mike Dean ayaa kulankan qalad badan ka samaynayay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Mourinho shaxdiisa laba isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Matteo Darmian oo uu ku soo badlaay Juan Mata oo kaydka fadhiyay wuxuuna sido kale ciyaarta ka saaray Jesse Lingard isaga oo ciyaarta soo galiyay Marcus Rashford.

DAQIIQADII 60 AAD West Ham United ayaa loo qaatay in ay heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu Marcos Rojo kubbad lumiyay isla markaana uu Manuel Lanzini uu kubbada u bixiyay Antonio kaas oo goolka Man United ugu soo baxay si toos ah laakiin waxa uu garaaci kari waayay David De Gea oo Man United ciyaarta ku sii hayay.

DAQIIQADII 63 AAD GOOOOOOOOL! ciqaabtii goolka ay West Ham iska lumisay ayaan soo daahin waxaana Hammers fursada qaaliga ahayd ee ay iska lumisay ku ciqaabtay Juan Mata oo kooxdiisa Red Devils u keenay goolka ay sida wayn ugu baahnayd waxaana caawinta goolkan sameeyay Marcus Rashford iyada oo ciyaartuna noqotay 1:0 ay Man Unied ugu danbayn kula timid gooka furitaanka.

Labada tababare ayaa sameeyay laba badal oo aan la filayn Belic ayaa ciyaarta ka saaray Dimitri Payet wuxuuna ku soo badalay Andy Carroll halka Mourinho uu Henrikh Mkhitaryan ciyaarta ka saaray wuxuuna kaydka uga yeedhay Chris Smalling.

DAQIIQADII 78 AAD GOOOOOOOOOOOL! Zlatan Ibrahimović ayaa ciyaarta hurdada u diray kadib markii uu kooxdiisa Red devils u dhaliyay goolka labaad ee ay dhulka ku dhigeen toban ciyaartoy oo West Ham ah oo wali raadinayy goolka barbaraha wuxuuna Ibra goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Ander Harrera waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Man United hogaanka ku dheeraysatay.

Goolka labaad ee Manchester United ee uu dhaliyay Ibrahimovic ayaa u muuqday mid offside ah iyada oo xidiga ree Sweden uu offside ku jiray balse calanwadaha oo si toos ah u eegayay goobta uu Ibrahimovic taagnaa ayaan waxba ka sheegin taas oo keentay in goolka Ibra uu noqdo mid sharci ah.

Ugu dabayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Manchester United ku garaacday toban ciyaartoy oo West Ham United ah waxayna kooxda Mourinho soo gaadhay guusheedii 6 aad oo xidhiidh ah balse Red Devils ayaa wali farqiga goolasha baaqi ugu sii ah kaalinta lixaad waxayna min 39 dhibcood wada leeyihiin Tottenham oo kaalinta shanaad ku jirta.

1483378551448_lc_galleryimage_stratford_england_january 1483378791576_lc_galleryimage_west_ham_v_manchester_uni 1483379637775_lc_galleryimage_stratford_england_january 1483380321592_lc_galleryimage_britain_football_soccer_w 1483381780721_lc_galleryimage_epa05695375_manchester_un 1483382632830_lc_galleryimage_juan_mata_of_manchester_u 1483382653976_lc_galleryimage_stratford_england_january 1483383298605_lc_galleryimage_vlcsnap_2017_01_02_18h51m 1483383537646_lc_galleryimage_west_ham_v_manchester_uni 1483383568657_lc_galleryimage_manchester_united_s_zlata c1mbrs5w8aadt8d