Madaxweyne Siilaanyo Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Oo Dhanbaal Tacsi Ah U Diraya Marxuum:Maxamed Saalax Xasan

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TACSIDA |

imagesTACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Bahda waxbarashada, iyo tacliinta sare, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Guddoomiyihii Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Sanaag, ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan (Aniis) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu tahay 05/01/2017 shil baabuur oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Burco, isagoo ku sii jeeda gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Silaanyo waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawl kar ah oo dedaal wax ku ool ah ka soo qaatay guud ahaan waxbarashada dalka, kana mid ahaa dadkii qalinka u qaatay sidii ay bulshadooda uga faa’iidayn lahaayeen aqoonta iyo cilmiga ay barteen, Marxuumkuna uu geeriyooday isagoo ku guda jira hawlihiisa shaqo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda waxbarashada iyo tacliinta sare, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

dhanka kale Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo masuuliyiin kale ee xisbiga, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan (Aniis) oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya Burco iyo Berbera saaka oo ay taariikhdu tahay 05/01/2017.

Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan (Aniis) waxa uu ka mid ahaa dadka haldoorka ah ee u dhashay Somaliland ee aqoon, tacab iyo waxtar aan la qiyaasi karin u huray dadkiisa iyo dalkiisa, isagoo kaalin wayn ku lahaa dadaalladii halgankii dalka, nabadayntii iyo hub-ka-dhigistii dadka, dhismihii dawladnimada iyo horumarinta waxbarashada waddanka, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland oo uu markii u dambeeyey ahaa Isu-duwihii Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Sanaag. Waxaanay hoggaanka KULMIYE tacsidaasi u dirayaan dhammaan qoysaska iyo carruurta reer Saalax Xaaji Xasan iyo reer Cali Guhaad.

Guddoomiyaha iyo madaxda kaleba waxay Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE