Ururweynaha Samafalka Tawfiiq Waxa Uu Dhanbaal Tacsi Ah U Dirayaa Marxuumiinta Kala Ah:Yuusuf Riiraash Buux Iyo Jaamac Maxamed.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TACSIDA |

indexINAALLILAAHI WA INAA INAAHI RAAJUCUUN:Dhamaan maamulka Sare ee ururweynaha Samafalka Tawfiiq ee Gobolka Awdal waxa ay dhanbaal tacsi ah u dirayaan Mahdi Aadam Riiraash oo adeerkii Marxuum:Yuusuf Riiraash Buux ku geeriyooday Magaalada Boorama waxa ayna Marxuumkaas alle uga baryayaan inuu alle naxariistii Janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna alle Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo.

Sidoo kale waxa uu ururku Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Malyuun Daahir Cilmi Seygeedii Marxuum Jaamac Maxamed ku geeriyooday Maanta Dalka Ingiriiska gaar ahaan Caasimadiisa London, waxa ayna Marxuumkaas alle uga baryayaan inuu alle naxariistii Janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna alle Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo.aaamiin.

Xafiiska Warbaahinta Ururka