Tacsi::Ururka Samafalka TAWFIIQ Ee Gobolka Awdal Oo Dhanbaal Tacsi Ah U Diraya Marxuum:Yuusuf Muxumad Gadiid.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,TACSIDA |

indexUrurweynaha Samafalka Tawfiiq ee Gobolka Awdal waxa ay dhanbaal Tacsi ah u dirayaan Marxuum:Yuusuf Muxumad Gadiid oo maanta ku geeriyooday magaalada Lafaciise ee killinka shanaad ee itoobiya, waxa ayna marxuumkaas alle uga baryayaan inuu naxariistii Janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

Sidoo kale waxa a ka tacsiyaynayaan Gudoomiyaha jimciyada Nuurul Cilmi ee Gobolka Awdal, Sheekh Jamaal Yuusuf Muxumad oo uu aabihiis ahaa Marxuumka Dhintay.

Xafiiska Warbaahinta Ururka Tawfiiq

Boorama-Somaliland