Chelsea Oo Ku Hungowday Racfaankii Ay Ka Qaadatay Casaankii Kabtan JohnTerry.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN,SPORTS |

chelsea-v-peterborough-united-the-emirates-fa-cup-third-roundKabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa hal kulan ganaax ku maqnaan doona ka dib markii la soo diiday racfaankii ay kooxdiisa ka qaadatay casaankii la siiyay kulankii Axada ee FA Cuo ee ay ka badiyeen kooxda Peterborough.

Ciyaaryahankii horre ee xulka England oo 36 sanno jir ah ayaa waxaa casaan siiyay garsoore Kevin Friend ka dib markii uu qalad u ku galay Lee Angol qeybtii labaad ee kulankii ay kooxdiisa 4-1 ku badisay.

John Terry ayaa haatan seegi doona kulanka ay kooxdiisa Sabtida u safreyso kooxda Leicester City.

Kulankii Axada ee FA Cup ayaa ahaa kulankii ugu horeysay ee uu Terry ku soo bilowdo tan iyo bishii October, waxaana ay aheyd kaliya kulankiisii sideedaad ee uu ciyaaro xilli ciyaareedkan.