Hurdada Yar ee Qadada Kadib Oo La Ogaaday Inay Faa’iido U Leedahay….

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN |

indexQofka oo qaata saacad hurdo ah waqtiga qadada kadib waxa ay faa’iido u yeelataa maskaxdiisa, iyadoo daraasad cusub oo la sameeyey sheegtay inay dib u cusboonaato maskaxdu oo ay shan sanno ka yaraato da’da ay jirto xilligaas.

Cilmi-badhayaashu waxay ogaadeen in qofku haddii uu waqti dheer seexdo oo hurdada badsado maalintii, gaar ahaan waqtiga qadada ka dambeeya aanay wax faa’iido ah u yeelan, balse saacadda kaliya ay faa’iido badan u leeyahay caafimaadka maskaxda.

Daraasaddan oo laga qaaday 3,000 qof oo Shiiniis ah, taasoo ka weyn da’da 65 jirka ah oo boqolkiiba 60% ka mid ah ay qadada kadib seexaan 30 ilaa 90 daqiiqo, kadibna waxa ka qaybgalayaasha laga qaaday tijaabo yar oo ah inay xisaab ka shaqeeyaan iyo in la tijaabiyo xasuustooda si loo baadho maskaxdoodu siday u shaqaynayso.

Cilmi-baadhista oo lagu daabacay wargeyska American Geriatrics Society, waxa lagu ogaaday in dadka seexda qadada kadib saacad ay ku guulaysteen tijaabooyinkii xisaabeed iyo xasuus ee laga qaaday, marka loo eego kuwa aan seexanba.

Waxa soo baxday in dadka saacad muddo ah seexda qadada kadib ay ka maskax fiicnaadeen kuwa aan seexa amma muddada saacadda ka yar seexda ammase muddada dheer ba seexda qadada kadib.

“Dadkan waxa ka soo baxday in maskaxdooda hoos-u-dhac ku yimaad marka aanay seexan qadada kadib, inta badana maskaxda shaqadeeda, gaar ahaan dhinaca xasuusta waxa u fiican in qofku muddo yar seexdo maalintii, siiba qadadada kadib,” ayuu yidhi;Dr. Junxin Li oo daraasaddan hoggaaminayey.

Source-MNK