La Yaabka Aduunka:Madaxweyne Lagu Qabtay inuu Xatooyo Khudbadeed Sameeyey Maalintii Caleemo-saarkiisa.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN |

speech-1024x576Madaxweynaha cusub ee dalka Ghana ee galbeedka qaaradda Afrika Mr. Nana Addo Dankwah Akufo-Addo, ayaa hadallo aannu lahayn oo xatooyo ah ku darsaday khudbad uu ka jeediyey xafladdii caleemo-saarkiisa oo qabsoontay 7 January 2017.

Khudbada Madaxweynaha Ghana jeediyey, waxa uu qaybo ka mid ah si toosa uga soo qaatay khudbado ay jeediyeen madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka – George Bush iyo Bill Clinton – markii ay xilalka dalkooda la wareegeen sannadkihii 1993 iyo 2001-kii.

Qaybta Madaxweyne Bush uu ka soo qaatay waxa uu jeediyey 20 January 2001, waxana ka mid ahaa; “Waxaan idin waydiisanayaa inaad muwaaddiniin noqotaan; muwaaddiniin, maaha daawadayaal; muwaaddiniin, maaha walax; muwaaddiniin masuuliyiin ah oo bulshadooda dhisa adeegyadeeda iyo guud ahaan qarankaba.”

Madaxweyne Nana waxba kama uu beddelin hadalkaas ee wuxuu u isticmaalay siduu ahaa, isagoo sida uu yahay u soo qaatay.

Qaybta kale ee lagu qabtay inuu Madaxweyne Clinton ka soo qaatay waxa ahayd khudbad uu ka jeediyey xafladdii caleemo-saarkiisa oo dhacday 20 January 1993, waxana ka mid ahaa; “Inkastoo caqabadaheennu cabsidooda leeyihiin, laakiin xoogganaan baynu kaga baxaynaa. Ameerika (halkaas Ghana ayuu ku beddelay) weligeed may noqon mid deggan, balse dad rajo leh baa jooga. Waa in maanta shaqadeenna aynu u keennaa hadaf iyo rajadii ay lahaayeen kuwii inaga horreeyey.”

speech-1024x576

Agaasimaha Warbaahinta ee Madaxweyne Akufo-Addo Mr. Eugene Arhin, ayaa raalligelin ka bixiyey khudbaddaas, isagoo ku qeexay in ay ahayd mid aan loo kasin amma si badheedh ah loo sameeyey.

“Gebi ahaan waxaan raalligelin ka bixinayaa hadallada aan la xusin ciddii lahayd amma qofkii qoray ee khudbada Madaxweynaha ku jiray,” ayuu yidhi Arhin oo la hadlay wargeyska Premium Times oo Maankaab soo xigtay.

Waxa muuqaal ahaan warbaahintu u baahisay hadalka xatooyada ah ee Madaxweynaha cusub ee Ghana shacabkiisa la hortegay, taas oo dadku aad uga cadhoodeen.

Source-MNK