Daawo Sawirrada Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Ciidamo Si Gaar Ah U Tababaran Dirays Cusubna Loo Xidhay.

Filed under: WARARKA |

cii1Baraawe-(BON)-Degaanka Kuunyo-barrow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa xoogaga Al-Shabaab waxay ku soo bandhigeen ciidan ka mid ah kuwa loo yaqaanno xisbada ama Booliska.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeellaha hoose Shiikh Abuu Usama ayaa sheegay ciidamadaan ay wax ka qaban doonaan arimo ku saabsan anshax xumida iyo dembiyada kale.

Waxyaabaha ay dabagalka ku sameyn doonaan ayuu sheegay Shiikh Abuu Usama iney ka mid yihiin dadka mobilada ku qaata aflaanta xun xun iyo wixii soo raaca.

Ciidankan oo watay dareys gaar ah ayuu sheegay ineysan wax dhibaato ah u geysan doonin bulshada ayna si wanaagsan ula macaamili doonaan shacabka degmadaas.

Xafiiska Wararka BooramaOnline

Muqdisho-Soomaaliya

cii cii1 cii2 cii3 cii4